Somali

Afsoomaali free internet training.

Afsoomaliga waa luuqada da’a weyn wuxuu la mid yahay luuqadaha kale ee caalamka ka jira waxbadan ayuu kaga duwan yahay waa af hodan ah oo erayo badan ku jiraan wuxuuna ka kooban waxyaalaaha loo yaqaano : shaqal, shiabane , maahmaah ,gabay , sheeko,i.w.m

 

Halkudhegyo sheekooyin aad u akhrisid caruururtaada

1. La qaado caruurtaada waqti aad la hadashid, sheekooyin uga sheekeysid isla markaas aad gabayo u sheegtid. Kuwaasi waa maaweelo muhim ah oo carrurta ku caawinaysa iney u diyaargaroobaan wax akhriska.

2. U akhri lana akhri caruurtaada maalin kasta. Taasi waxay muujinaysaa maalinkasta wax u akhriga iyo waqtiga aad la qaadatid caruurtada muhimada ay leedahay.

3. U ogolaw carrurtadu iney doortaan buugaga aad rabtaan inaad wada akhrisataan. Tani waxay kaynaysaa xiisaha caruurtada.

4. Xulo meel raaxa leh si aad wax ugu akhridid lana fadhiso carruurta meel u dhow. Tani dareen gaar ah ayey ku abuuraysaa xiliga wax akhriga.

5. Codkaaga iyo habka aad sheekada uu akhriyeysid waa iney sheekada la socdaan. Tan ayaa sheekada caruurta si weyn ugu xiiso gelinaysa.

6. Markaad buug akhrididba ka sheekee sheekadaas. Ka wada xaajoodka musawirada iyo fikradaha muhimka ah ee buuga waxay hore u mariyaan garashada.

7. Carruurtaadu ha arkaan adigoo akhrinayaa buugaaga, jaraa’id iyo magasiino. Tani waxay mitaal u noqoneysaa carrurta inaad ka heshid qiimaysidna wax akhriga.

8. Caruurtaada si joogto ah u gey makhtabada. Maktabaddu waa meel qaayo leh oo laga heli karo buugag iyo ka badan.

Sheeko Xariir uga Sheekeey Caruurtaada

Yaxaas iyo Danyeer
Bisad iyo Jiir
Dawaco iyo Waraabe
Badownimo Reer magaal

 

Qaamuuskii Afsoomaaliga oo ay qortey wasaarada waxbarashada

Waxaan rajaynaynaa mustabal dhow in qaamuus /dictionary / in lasoogalin doonaa bal si aan u ogaano afsoomaliga aan ku hadalno iyo kan qaamuuska farqiga u dhaxeeya.

Beerta Afarta Jiho
Todobaadka Sanadka
Waalidka Runta La sheego
Aar dabagaale Samafalka
Marida Jidka Diinta Islaamka
XoolahaLo’da Masaajidka 
Xoolaha Ariga Magacyadda
Xoolaha Dameerka Xarfaha Shaqalka ah
Xilliga Dayta Xarfaha Shibanaha ah
Xilliga Jilaalka Diinta Islaamka

 

  • Barashada Shibane
  • Barashada shaqalada shaqal gaab iyo shaqal dheer
  • Sheeko xariir
  • Maahmaahyo
  • Gabayo
  • Taariikh iyo dhaqan