Madbacadaha (printers)

 

madbacada waa aalada aysan ka maarmin oo loo baahanyahay waqtigaan la joogo sababtoo ah waxaa u baahan xafiisyada,qoraalada, arji qorayaasha,shirkadaha ,guryaha iyo qofkastoo qoraal sameeystey saas darteed waa laga ma maarmaan madbacadaha waxaa loo qaybiyaa dhowr nooc oo kal ah

1-impact printer

waa noocyadii waagii hore ee wax garaaca sida teebka oo kale qaabkey wax u qortaa layiraahdaa waa garaacdaa hadana suuqa waaba kasii baxdey oo maba arkeysid

2-inkjet/deskjet /bubbeljetnoocaan waa kan ugu caansan ee suuqa yaalo waxaana loo isticmaaladaa sida badan guryaha iyo shirkadaha yaryar oo qoraal badan lahayn waxay kuu daabacaysaa (colour) iyo qad madoow inkjet ma ahan qaali waa iska raqiis waxaana lasocda qad oo bum yar ku dhex jirto laakiin tayada waraaqaha lagu qoro ma wanaagsano hadana aad iyo aad loo isticmaalaa

 

3-lasser waa nooca ileys ku shaqeeya sida photocopy kale waxayna wadata qad budo ah lasserprinters waa madbacad tayo wanaagsan qii maheedana qaali yahay xawaaraheedana dheereeya lasserprinter waxaa loogu talagaley shirkadaha waaweyn iyo yaryarba waraaqaha lagu qorana aad iyo ayeey u fiican yihiin waxayna leedahay colour iyo qad madoow waa madbacaha ugu caansan ee suuqa yaala wax tar fiicana leh.

marka madbacada waxaa looga faaideeystaa ama aad ku xiri kartaa halkumbiyuuter oo kamid ah shirkadaada ka dib waxaad dhahaysaa madbacada hala wadaagaan computerada kale(printer sharing) marka hal madbacad (1 printer)ayaa 100 computer laga daabacankaraa isla markiiba waa arin aad iyo aad waxtarleh casharkaasana wuxuu noogu imaan doona barashada winxp

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Webmasterka

Riix Halkaan

 

Ku Noqo Bogga Hore