Storage

Magnetic Disks(Aaladaha wax lagu keydiyo)

Marka laga hadlayo aaladaha wax lagu keydiyo ee Kumbiyuutarka waxaa guud ahaan loo kala saaraa labo nooc oo kala ah sida hoos ku xusan :

Non Removeable Disk(kuwaan la siibin)

 

 

 

Removeable Disk (kuwa meel walba loo qaadn karo)

Halkan hoose waxaynu ku qeexi doonnaa faraqa u dhaxeeya aaladaha wax lagu keydiyo, xawaaraha ay ku shaqeeyaan, qaab dhismeedkooda iyo inta ay le eg tahay aalad walbaa baaxadda ay wax ku keydiso oo kooban haddii Eebbe Idmo.

 

 

Non Removeable Disk

Non Removeable Disk waxaa ka mid ah Hard Disk-aha. Xogta ku duuban Hard Disk-aha waa mid aan meeshii la doono loo qaadan karin. Sidaasuuna ku baxay magaca "Hard Disk".

Removeable DiskRemoveable Disk

Removeable Disk waxaa la isku yidhaahdaa aalado faro badan oo iyana loo adeegsado keydinta xogta. Aaladahaas waxa ka mid ah: Floppy Disk, CD-ROM iyo Tape oo ah cajalad aad u yar baaxaddeedu waxna lagu keydsado. Xogta ku duuban dhammaan intan aaladood aynu kor kusoo xusnay waxaa loo qaadan karaa meeshii la doono. Sidaasuu ku baxay magaca “Removeable Disk”.

Waa Maxay faraqa u dhaxeeya “Non Removeable Disk & Removeable Disk”?

Aaladahan wax lagu keydiyo ee Kumbiyuutarka waxay ku kala duwan yihiin saddex shay oo kala ah:

1. Xawaaraha: Xawaaraha waxaa ugu xawli dheer Hard Disk-aha oo ilbiriqsigii sameeya 7200 oo wareeg. Kuwa casriga ah ee maanta la adeegsadaa qaar baa ilbririqsigii wareega in ka badan 10 000 oo jeer.

2. Qaab Dhismeedka: Qaab Dhismeedkoodu aad iyo aad ayuu u kala duwan yahay. Taasoo macnaheedu tahay midba shaxan gaar ah ayuu u dhisan yahay

3. Baaxadda: Baaxadda ay wax ku keydiyaan waa kala weyn yihiin. Haddii aanu soo qaadanno baaxaddooda inagoo tix raacayna sida ay u kala weyn yihiin baaxadda ay wax ku keydiyaan iyo mid waxaa ugu weyn Hard Diskaha, waxaa xiga CD-ROMka, waxaa soo raaca Floppy Diskaha. Halka ugu dambeysa waxaa soo galaya cajalad kale oo yar oo iyana wax lagu keydsado se inta badan aan la isticmaalin.

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Webmasterka

Riix Halkaan

 

Ku Noqo Bogga Hore