Scandisk


Kumaandaha SCANDISK.EXE
SCANDISK wuxuu ka mid yahay kumaandayaasha cusub ee la socday MS-DOS_6.20 iyo
wixii ka dambeeyay islamarkaana kor u qaaday wax qabadka iyo sumcadda MS-DOS.
SCANDISK wuxuu la mid yahay kumaandaha CHKDSK, laakiin aad buu uga wax tarbadan yahay.
SCANDISK wuxuu si rasmi ah u baarayaa Hard disk-ga ama Diskette-ka hadba kii
loo diro, wuxuuna hard disk-ga ama Diskette-ka ka raadinayaa wax dhaawac ah
oo ku yaalla saxanka disk-ga. Kadibna wuxuu fiirinayaa in ay jiraan wax
akhbaar ah oo luntay ama wax si khaldan u qoran. Haddii uu helo mid ka mid ah
labadaas khaladna wuu soo sheegayaa wuxuuna ku waydiinayaa in aad rabto in
khaladka la saxo, islamarkaasna la calaamadeeyo meelaha dhaawacan ee uu
hard disk-ga ka helay si aan mar kale wax loogu kaydin.
Waxa kaloo uu SCANDISK baaraa, hagaajiyaana hard disk-yada muggooda la laba jibbaaray (Double spaced).
SCANDISK waxa loo isticmaalaa sidan hoose:
SCANDISK disk-iga: ENTER waa command kaliya
Ama waa laakiin markaad isticmaalayso msdos/win95/98/winme
Waxaad qoraysaa scandisk /surface

Laakiin markaad joogto win2000 ama winxp waxaa loo yaqaanaa CHDSK.exe waa fayl amarkiisa la fulinaayo waxaana loo isticmaala daaqada madoow ee msdoska ku caanka yahay waxaana loo yaqaana marka win2000/winxp aad isticmaalayso cmd kana fiiri sawirkiisa waa kan
Xagee laga tagaa windowkaada iskandiiskii
1-waxaa laga tagaa start/allprogram/accessories/ sys tools /scandisk
2-mycomputer /open/(fur)/midigta ku dhufo moowska(mice) midig rightclick /kadib properties/ dooro /tools /kadib waxaad soo baxaysa /scandisk

Sluit venster

 

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Webmasterka

Riix Halkaan

 

Ku Noqo Bogga Hore