Madoonaysaaa inaad xanuunsan
alle idinkii.
Intaan u guda gelin waxaan ka horeysiinayaa
hordhac yar:
Ugu horeynta waxaan ka codsanayaa
dadka doonaya inay aqristaan inay ugu horeenta dulqaataan
eena ka daalin maxaa yeeley Faa’idooyin badan
ayaa ku jira waxa hoosta ku qoran hana ka raali ahaadaan
hadii ay fahmi waayaan Afsoomaaliga qaarkii hana soo
waydiiyaan waa loo caddeen doonaa insha alaahu.
Tan labaad Waxa aan hoos kusheegi
doono insha alaahu waan soo koobkoobay maxaa yeelay
dadka badanaa majecla waxa dhaadheer marka waxaan
ku dadaalay inaan soo koobkoobo oona qofkana uu fahmo
insha alaahu anigoo kasoo guuriyey kutubta ama buuugaagta
lagu kalsoonyahay iyo Culimadaba ku Takhusustay Cilmigan.
waxaan kuusheegi doonaa waxa aad fahmi doonto oona
garanaysid waxay ay yihiin wixii aad garanwaydo ama
ka shakido iska daay.koleyba waxaan aan kuusheegi
doono wax ku dhibaayo ma ahan hadii aad isticmaasho
insha alaahu sida daawooyinka iyo irbadaha oo lagu
xanuunsanaayo ama dhib kuu keenayo hadii aad isticmaasho
wax kuu tariwaayo kuwan hadii aad isticmaasho faa’ido
mooyee dhib aan kaa soo gaaraynin.
marka insha
allaahu Seddex qeebood ayaan uqaadaynaa :
1- Waxyaaba Xoojiya ka hortaga difaaca
jirka.
2- Dhoor cudur oon sheegi doono insha
alaahu daawadiisa wax aad garanaysid oo dibiici ah
oo kiimiko leheen oo dhibaato kuu keenaynin marwaliba
xitaa mustaqbalka.
3- Quruxda waxa kuu kordhinaya oona
kuu ilaalinaayo wallow 120jir aad ahaatid.
Qofka marka hore difaaciisa waxaa
ugu horeeya ilaalinta ale hadii aad Alle ilaaliso
isagaa wax walba kaa ilaalinaayo marka ilaalinta alena
waa inaaad ilaaliso wixii ale ku amaray la timaado
wixii kaa reebay ka harta.
Ku dadaal nadaafada jirkaaga oo dhoor
shay ah:
1: Wayso: qofka markasta waxaa laga
doonaayaa inuu wayso qabo marka kasta wuxuu ka badbaayaa
dhibaatada shaydaanka iyo waxyeeleentiisa qof wayso
qaba Alle wuu kabadbadinayaa Sixir iyo Jin iyo wixii
la mid ah, markasta ku dadaal inaad wayso qabto.
2: Qubayska qofka markasta waxaa wanaagsan
inuu qubaysto weliba hadii laheli karo Biyo kulul
qubayska jirkaaga nadaafadiisa, iyo Udeegba.
3: Cadayga ama Rumiga: waa nadaafada
ilkahaaga raali gelinta Alle.
4: inaad iska jarto sida: Timaha Kilkilaha
iyo timada hoose Cidiyaha shaarbaha iyo wixii lamid
ah Nabiga(scw) amray in lasameeyo.
5: ku dadaal adkaarta ama xuska la
aqriyo subaxii iyo galabtii iyo markii aad seexanayso
Habeenkii iyo markii musqusha ama suuliga galeyso
iyo xuska kale uu Nabiga scw amray in la aqriyo.
Waxayaaba xoojiya
difaaca jirka ka hortaga cudarada:
1: inuu qofka isticmaalo Khudaarta
fareeshka ah wax tarka leh sida Tufaaxa Karootada
Muuzka iyo wixi lamid ah inuu ka fogaado waxaabaha
dufanta leh subaga Saliida iyo wixii lamid ah laakin
Saliid Zaytuunka ayaa aad ufiican qofka inuu isticmaalo
waa caafimaad inuu markasta raashiinka ku sameysto.
2: inuu isticmaalo caanaha lo’da
ama Geela iyo wixii laga soo saaro subaga aan ku jirin.
3: inuu isticmaalo Malabka intuu Kari
karo uu qaadankaro.
4: inuu ku darsado raashiinkiisa Tuunta
(toonta) intuu kari karo iyo (xabadsowda) cuno miraheeda
halQaado yar in la eg Saliideedana ku darsado shaaha
ama qaxwada iyo wixii lamid ah ilaa 10 dhibcood, ha
kabadsanin intaa dhibcood.
5: maalinkii inaad dhaqdhaqaaq sameyso
socod ama orod ugu yaraan 1saac.
6: maalinkasta markii aad Qadeyso
duhurkii inaad seexato 1saacadood ama 2saacadood
7: inaad ka fogaato Muragada iyo wixii
lamid ah
8: inaad ka fogaato Mukhaadaraakda
Qofka
wuxuu sameenkaraa oo kale wax yaabahan:
1: Orange ama Burtuqaalka ama liin
macaanta “qofka inuu cuno maxaa yeelay burtuqaalka
ama liin macaanta waa waxa ugu wayn ama ugu muhimsan
jirka difaaciisa waxa xoojiya” marka waxaad
sameyneysaa sidan :haaf am nus burtuqaal ama liin
macaanta miir waxaad ku dartaa Lemon ama liimoon -waa
liin dhanaata mid ka wayn oo huruud ah ama jaalo oo
dhanaan marka Liin dhanaanta yar yar ma ahan sidaa
ula soco- miir kadib isku dar iyada iyo liin macaantii
kadibna weel ku shub waxaad ku dartaa Qaado Malah
ah iyo Ukunta jaalaheeda intaa isku dar maalinkasta
intaadan quraacanin nus saac ka hor cab ka dib quraaco.
Hadaa doonayso Xoog iyo Firfircooni:
Waxaad miirtaa hal Basal kadib ku
dar yaanyo ama tamaandho Casiirkeeda kadib ku dar
milix ama cusbo kadib cab, kadibna jirkaaga xoogiisa
iyo firfircoonidiisa ayaad heleysaa.
ama waxaad sameysaa oo cabtaa hal
koob Casiirka Canabka maalinkii 3jeer markii aad raashinka
qaadanaysid nashaad ayaad heleysaa iyo xoog badan.
ama waxaad cuntaa maalinkasta hal
xabo oo tufaax ah waxkasta way hagaagi jirkaaga.
Ama cun 7 xabo oo Timir ah sixir iyo
sun kasta Mas iyo wixii lamid ah ama Sun Raashiinka
mid laguu qariyey waad ka badbaadi insha alahu sida
Nabiga scw uusheegay xadiith saxiix ah.
Qeebta
labaad
Qeebtaan waxaan isku dayayeynaa insha
alaahu inaan ka hadalno dhoor Cudur daawadiisa oo
dabiica ah oo aad garanaysid daawadiisa wixii aad
garan waydo iska day.
Teedi kale inta aan kuusheego qiyaasta
inaad ku dadaasho weeye maxaa yeelay qiyaas la’aanta
waa dhibaato tusaale ahaan hadii aad Raashiin si xad
dhaaf ah aad u cunto kawaran soo kuma xanuunsanaysid?
Haa weeye jawaabta marka iska ilaali sideedaba qiyaasta
la’aanta.
Waxaan guda gelaynaa mawduuca anagoo
ka bilaabayna:
Dhiiga kor ukaca. laba tilamaam tii
kuu fudud waad sameenkartaa hana isku darin labadooda
mid uun sameey, tan ugu horeysa:
Inaad markasta aad sharaab kulul cabaysida
sida Shaaha ama Qaxwada iyo wixii lamid ah inaad ku
darsato Saliida Xabatsuuda 7dhibcood illaa 10dhibcood
intaa haka badin.
tilmaamta kale waa inaad sida shaaha
oo kale inad u cabto Zacfaraanka, sida shaaha oo kale
inaad ukariso kadibna sonkor ku darsato ood cabto
markasta waxaad heleysaa in uudhiiga dajiyo qofka
oo Faxfax noqda farxad xasuustaada Romatiisamka xanuunada
qabowta Ragnimada dareemaha intaas oo iyo inkale ayaad
haleysaa insha alaahu.
Dhiiga yaraanta: waxaa lagu gartaa
dhiig yaraanta dhoor shay: qofka inuu dareemo: Daal
badan iyo dhib, madax xanuun joogta ah, Hoosha inuu
sifiican uqabsankarin uu kacaajisaayo hool dhan, markuu
soconaayo inuu dareemo daal socodkiisa, Midabka isbadala,
timaha daata .
Daawada laba tilmaam ayaad sameyna
kartaa midood:
1- waxaad cuntaa Tufaaxa ama cab sharaabka
Tufaaxa oon alkool laheen maalinkasta.
2- tilmaamta kale :Malabka ka cun
in badan maalinkasta Malbaka waxa ku jiro Vitaminooyin
aad ubadan:VITAMINS: B1,B2,B3,B4,B5,B6,B7,B8,B9,B10,B12,
D,K,H iyo kuwa kale oo aad ubadan .
Cholesterol waxaa laga wadaa: maado
laga helo unugyada jirka oo caawisa badashada baruurta
kadibna xerta halbawlayaasha dhiiga. sida aad ogtihiin
wuxuu kubadanyahay Carabta iyo USA marka waxaan kuusheegayaa
daawada insha alaahu hadii Alle daawo kudaro
Daawada shiiqinaysa ama shuuqinaysa
baruurtaa laba tilmaam ayaan sheegaynaa
Tan hore: laba xabo oo Toon –Tuun-
ah in aad tunto-shiido- kadibna lagu darsado Salarka
ama Ansalaatada maalinkasta inaad isticmaasho ood
cunto, waa daawada ugu wanaagsan ood u isticmaasho
baruurta qofka korta oona dhib kuu keenaynin tan.
Sidaad ogtihiin daawooyinka iyo irbadaha kiimakadeeda
qofka dhibaatooyin badan ayay leeyihiin, teedi kale
dilaysa qofka dareemayaasha ragnimada Alle u abuuray
maxaa yeelay daawooyinkaa waxay ka koobanyihiin inay
qofka Abateedka ka xerto lana dhaho waxaa ha cunin
waxaa ha sameynin iyo wixii lamid ah.
Tilmaamta labaad: in uu qofka cuno
hal xabo Toon –Tuun- la jarjaray kadibna lagu
cabo koob caano ah oo lagu daray hal Qaado oo Malab
ah maaalinkasta insha alahu caafimad ayaad helaysaa
hadii sidaa aad yeesho.
Kansarka daawadiisa waa: Saliida Xabaasuuda
jirka oo dhan kana ilaali Indhaha lamarmariyo maalinkii
3jeer iyo markasta aad raashiin cunayso aad raaciso
Qaado Xabaasuuda latumay koob Casiirka Karootada ku
dar cab waad joogtaynaysaa ilaa 3bilood inshaa allaahu
daawo ayuu helayaa qofka xanuunsan hana joogteeye
Quraanka iyo Ducooyinka.
Wadnaha Wadnaha waxaa xoojiya ama
adkeeya difaaciisa: In qofka soo Qaado qolafta Rumaanka
–qasharka – in lagu karkariyo Biyo ilaa
20daqiiqo kadibna koob lagu shubo kadbina lagu daro
Qaado Malab ah maalinkasta caafimaad ayaad helaysaa
insha allaahu.
Boodboodka Wadnaha ama gariirka Wadnaha
iyo wixii lamid ah waxaad sameysaa: sharaabka kulul
aad cabto ku darso maalinkasta Saliida Xabaasuuda
insha alaahu caafimaad ayaa heli.
Cudurada Wadnaha dhamaantii iyo Wareega
dhiiga Cudarada ku dhaca dhamaantii:
waxaad sameysaa: Malab ku darso Xabaasuuda
oo la shiiday -la tumay- maalintii in badan ka Qaado
tusaale ahaan Koobka Malabka ku dar Qaado Xabaasuuda
shiidan maalinkii intaa isticmaal koobkaa insha alaahu
caafimaad ayaad helaysaa kuna dadaal ducooyinka iyo
quraanka.
Cudarada gala Indhaha. Qofka waxa
ugu wanaagsan uu u isticmaalo cudarada Indhaha ku
dhaca waxa waaye sidaan: Basal inuu shiido Casiir
ka dhigo kadibna in la lamid ah oo Malab ku daro kadibna
Habeenka markuu seexanaayo Indhaha hal dhibic iyo
tankale hal dhibic ku siiyo, insha alaahu cudurkasta
oo Indhaha ku dhaca haday tahay aragti la’aan
ama indhihii ilmeenaya ama indhihii kalarkooda isbadalaaya
iyo waxkasta oo ku dhaca Indhaha wuuka caafimaadayaa.
Teedi kale qofka hadii uu qaato Muraayado
ama Ookiyaale indhihiisa oo daciifay waxaa tijaabo
lagu ogaaday sida uusheegay sheikh C/majiid Azindaani
in qofka Habeen walba haduu Indhaha ku dhibciyo hal
dhibic oo Malab ah ilaa laba bilood inuu indhihiisa
aragtidooda ay soo noqoyso insha alaahu tijaabo ayuu
ku sameeyey nin oday ahaa oo Dorowal ahaa oo aad u
diciifeen indhahiisa markii laba bilood uu isticmalay
Malabkaa alxamdulilaahi uu soo noqtay awoodii Indhihiisa
aragtideeda .
Ka hor taga Cudarada ku dhaca Indhaha:
waxaad sameysaa inaad soo Qaado Afar xabo oo Toon
ah lamiiro Casiir laga dhigo kadibna lagu daro Koob
Malab ah oo saafi ah oo qashin laheen la isku walaaqo
kadibna intaa uu cabo maalinkasta sidaa yeelo, waa
ka hortag cudurada ku dhici lahaa Indhaha insha allaahu,
Hadii aad maalinkasta sidaa yeesho.
Tilmaam kale: markii aad seexanayso
waxaad sameysaa inaad soo Qaado Saliida Xabaasuuda
aad mar mariso dhafoorada iyo godka ama lafta isha
ka hooseysa iska ilaali inaad mariso ama ay gaarto
isha gudaheeda maxaa yeelay Saliida Xabaasuuda waa
kulushahay ka ilaali Indhaha kadib markii aad sidaa
yeesho shaah ku darso 7dhibcood Saliida Xabaasuuda
ama Karoota Casiir ah la shiiday 7dhibcood Saliida
Xabaasuuda .
Xasaasiyada
Indhaha :
Biyo dabka Saar kadibna Xabaasuuda
ku dar markii ku karkaro biyahaa ku dhaq Indhaha markii
yara qaboobaan.
Indhaha Ilmeynaya. Habeenkii markii
aad seexaynayso ku dhibci Indhaha Saliida zaytuunka
–Saliid zayt- oo saafi ah insha alaahu way istaagi
doontaa Ilmada.
Xanuunada Dhagaha ku dhaca : Dhagaha
dhexdooda oo dhawaaq ama Jiiqjiiq ka dhexyeeraaya
: waxaad sameysaa 3Tilmaamood tii kuu fudud tan ugu
horeeysa
1-dhagta ku dhibci Khalka laga sameeyey
Canabka Habeenka markii aad seexanayso wuu joogsandoonaa
insha alaaahu dhawaaqaa dhagta.
2-dhagta ku dhibci markii aad seexanayso
Saliida Xabaasuuda.
3-markii aad seexanaysa waxaad sameysaa
dabka saar weel kadibna Biyo kushub Malabna ku dar
kadib Qaado soo Qaado ku walaaq Qiiqaas dhagta u dhig
oo maro saaro wajiga sida qof Uumisanaayaa Fooxsanaayo
ilaa 10 daqiiqo oo kale aad bay u fiicantahay tan
insha alaahu caafimaad ayaad heli sida ugu dhaqsiyaha
badan.
Qofka dhagaha beelay hadii alle ugu
tala galay maqal, wuxuu sameeyaa sidaan:
1-Dhagta haku dhibciyo Saliida Khardalka
markuu seexanaayo, dhaga beelka way ufiicantahay Saliidaan
Khardalka qofka laga la,aanta ahaa insha alaahu wuu
usoo noqonayaa maqalkood .
2- Habeenkii markuu seexanaayo haku
dhibciyo Saliida laga sameeyey Lafta Qooqa, Qooqa
waa miro la yaqaano oo Yaryar oo cas cas gudguduudan
la cuno oo laf ku jirta gudihiisa marka laftaa ayaa
Saliid laga sameeyaa Saliidaa weeye dhaga beelka ayay
u fiicantahay.
Cudurada
ku dhaca dumarka iyo Dhalmada.
Waxyaaba ugu wayn ee fududeeyo dhalmada
waxa weeye in: Biyo lakarkariyo kadibna biyihii la
karkariyey ku dar Qaado Malab iyo Baabuunaj geedka
la yiraahdo waa afcaribi afsoomaali wax lagu yiraahdo
magaranaayo ka eed Qaamuuska afcarabiga waad ka arki
oo Biyo lagu karkariyo biyiihii ha cabto, teedi kale
markasta sharaab kulul hadii ay cabayso Inanta uurka
leh inay ku darsato Saliida Xabaasuuda si ay markasta
ugu dhibtoonin geegeenta Dhakhraka iyo wax deg deg
ah oo dhaca.
Tilmaam kale Biyo oo lagu karkariyo
Xabaasuuda kadibna biyaha la cabo subixii iyo galabtii.
Xanuunada Caadada -dhiiga xaydka-.
Biyo lakarkarinayaa Xulbada kadibna
biyahaa ayaa la cabayaa
teedi kale waxay sameynaysaa xulabada
miraheeda ayey laba koob ama seddex koob ka cabaysaa
maalinkasta insha alaahu xanuunada Caadada waa ka
caafimaadaysaa Inanata hadii sidaa ay yeesho Xulbada
waa Daawo aan dadka ogeen waxyaabo badan daawo ayey
u tahay.
Jirrooyinka kale ku dhaca markii ay
Caadada ku soo dhawdahay ama ay ku jirto.
tusaale ahaan Indhaha hoostooda oo
madoobaada lafta ka hoose ee ay ku jirta Isha,Timaha
oo daata iyo wixii lamid ah marka badanaa Inanata
ayaa u sabab ah dhibkaa badanaa waxaa keena Nasasho
la’aanta iyo si hagaagsan ama xilli go’an
Raashiinka aysan qaadan tusaale ahaan quraacda maalin
ay cunto 7 aroorta marna 10 mararka kalena ayba cunin
quraacda ka tusaale Qaado Qadada iyo Cashada oo waqti
go’an ay cunin.
teedi kale ayadoo isticmaalin Qudaarta
waxtarka ah ama aqoon la’aan ay ka tahay inay
qudaarta faa’idadeeda garanaynin ama ay ku andacoota
inay ku Cayileyso!!! marka waxaan kuu sheegayaa hadii
aad diidayso inaad buurato iska ilaali inaad raashinka
iska dayso ama iska yareyso hadii sidaa aad yeesho
waxaad oganaysaa inaad sii buuranaysid maxaa yeelay
Alle jirka wuxuu ku abuuray Difaac xoogan iyo Tabar
xoogan marka qofka markuu wax cunin uu Alle ugu talagalay
in uu isticmaalo keedkaa jirkiisa ku jira tusaale
ahaan Geela waad aragteen difaaca uu leeyahay bil
ayuu ahaan karaa Biyo iyo baad la’aan, hadii
qofka la oran lahaan jirkiisa wax difaac malahan ama
keed wuu dhiman lahaa hadii uusan raashiin cunin,
marka raashiinkaaga iska cun si dhex dhexaad ah sidii
uu Alle iyo Nabigiisa ay sheegeen markii aad dhamaysato
Raashiinka koob Biyo ah ku dar laba Qaado oo Khal
ah kadibna cab ma buuranaysid insha alaahu ogow hadii
aad raashiinka iska yareeyso jirkaaga ayay ka jaran
tahay oo quruxda jirka Timahaaga ama maqaarkaaga ama
wajigaaga iyo wixii lamid ah marka waxaa ku sheegi
waxyaaba Khudaarta ah ee wax kuu taraysa insha alaahu,
Khudaarta waxa tarta iyo fitamiinada ku jira laakin
in yar baan kuusheegi.
waxa ugu horeeya ee Qudaarta waxa
weeye ee wax kuu taraayo: 1-Tufaaxa wuxuu ka koobmaa:
vitamin A,B,J, iyo Mawaad sukar dhibiici eh faa’idooyinka
Tufaaxa waxaa ka mid ah:
wuxuu xoojinaya difaaca jirka. Beerka
jirrooyinka ku dhaca, Oonka badan iyo Qandhada, qofka
wuxuu ka ilaaliyaa Buurnida Bawaasiirka iyo cudarada
ku dhaca Maqaarka baruurta iyo waxyaaba saa’idka
ah ee jirka ku dhaca, xanuunada ku dhaca Kaada haysta
, Caloosha fariisata, Romatiisamka Dhiig la’aanta
Tabardarida iyo waxyaabo kale.
2- Karootada: waxaa ku jira VITAMIN
:A,B,C,D, H .faa’idooyinka ku jira
Karootada waxaa kamid ah arigtada Indhaha oo xoojiya,
wuxuu kordhiyaa ka hortaga jirka jirrooyinka Caloosha
ku dhaca, wuxuu daaweeeye dhiig la’aanta kugu
dhacda, Maqaarka oo aad unuura wixii jiro ah kudhici
lahaa haday tahay jirka oo dildilaaco ama qolof yeesha
ama jirka uu mugdi noqdo iyo wixii la mid ah, kolay
wax jirka Ifiya oo qurxiya waa Karootada teedi kale
Inanata wixii ku dhici lahaa Xubinka Taranka-cowrada-
dildilaac ama xasaasiyo ama qolof iyo kuwa kale oo
laga yaabo markii ninka qabo utagaayo uu gelinaayo
Xubinkiisa Taranka ay xanuun dareento amaba uu geliwaayo
uu xoog u isticmaali ama wax qooya Xubinkeeda isticmaalo
marka waxaa oo dhan ayuu Karootada insha alaahu daawo
unoqonaysaa marka waa inay ku dadaasho markasta Karootada
cunitaan iyo cabitaanba insha allahu. 3iyo 4, Leemoonka
iyo Burtuqaalka Faaidooyinkiisa lama soo koobi karo
aad iyo aad ayay u badanyihiin marka ku dadaal labadaas
aad iyo aad ayey ufiicanyihiin inshaa alaahu hoos
ayaanku sheegi doonaa mid mid faa’idooyinkooda
hadii ay suuraga noqoto waqti uhelno.
5- Muuska: waxaa laga yaaba dadka
inay garanaynin Muuska-mooska- faa’idadiisa
laakin hada maqal faa’idooyinka laga helay Muuska
wuxuu kakoobanyahay Vitamins: A,B10,B12,D,
iyo macaadiin iyo kuwa kale. Faa’idada uu leeyahay:
maskaxda ayuu kordhiyaa iyo firficooni. Caloosha oo
kacda oo isku qasanta, Mandhaciirada Olalaya, iyo
Saxarada adkaata iyo Caloosha oo socota. Kilyaha olalaya
ayuu daawo uyuu uyahay, waa Quudiye iyo xoojiya hadii
lagu shiido caano kadibna Qaado Malab ah lagu daro
waa Cajiib, Caruurtana wuu koriyaa si deg deg ah.
Ilkaha ayuu ka ilaaliyaa Suuska gala iyo dhibaatooyinkeeda..
iyo wax yaabo kale.
marka waxyaabaan ku dadaal walaal
wax tar ayuu kuu yahay .
marka xanuunadaa aan soo sheegnay
ku dadaal khudradaan iyo inaad nasato waad ka caafimadi
insha allahu ha isku daalin daawooyin kale iyo kareemooyin
iyo wixii la mid ah …
Baarista Naaska inuu caafimaad qabo.
Inanta markasta waxaa laga doonayaaa in ay Naasaheeda
ku dadaasha maxaa yeeley sideedaba Naasaha Inanta
waa Quruxda ugu horreysa oo soo jiita Ragga marka
qeebta ku xigta ayan ku faahfaahin doonaa inay Inanta
Naasaheeda ay Wax cudur ah qabin inay ogaato waxay
sameynaysaa : Inay seexato Qadaadka kadibna dhabarka
Barkin geliso kadibna Calaacasheeda ay saarto Naaska
ay doonayso inay baarto si tartiib ah ay gacanta u
marmariso meel adag oo ka duwan meelaha kale ina ka
baarto labada Naasba.
Teedi kale Inanta ha iska ilaaliso
waligeeda inay useexata xabadxaba aad bay u dhibaysaa
qaabkaa Allena wuu xaaraamtinimeeyey sidaa inay u
seexdaan Rag iyo Dumarba .
Inanta iyo Naasaha, Inanata waxa ugu
horeeya ee quruxdeeda laga eego ee raga soo jiita
waa sida aan soo sheegnayba Naasaheeda si kasta hadii
u quruxbadanthay Inanta oo Naasaheda yar yar yihiin
oon muuqan waxba ma ahan quruxdeeda waxaa hubaal ah
Inanta kale oo foolxun laakin Naasaheeda muuqdaan
inay kasoo jiidasho badantahay aad iyo aad, marka
taasi waxaan uga jeedaa hadii Inanta Naasaheeda yar
yar yihiin Raga wax badan ayay ku fakirayaan, tan
aan Naasaheeda yar yar yihiin hadhaw Nuugmada Caruurta
iyo wixii lamid ah inay ku fashilmi doonto iyo warkaa
marka Inanta hadii sidaa ay tahay –Naasaheeda
yar yar yihiin inay sidaan yeesho si ay u noqdaan
kuwa roon roon oo muuqanaya Ninka qabana soo jiita
quruxdeedan ku koradha sidaan: Hasoo Qaado Kubbad
–Banooni- dhexdhexaad ah wayn aheen yariisna
aheyn kadibna gacmaha haku qabato illaa Xabadka-laabta-
hagaarsiiso ku beegan Naasaheeda xoog ha ugu riixdo-cadaadiso-
labadeeda gacan kubadii illaa ay istiraahdo dhabarka
danbe Carjawdiisa waa soo baxday iyo xididaha jirka
Muruqyada illaa 5 seken ama hatiraahdo 1,2,3,4,5,
kadibna si tartiib tartiib ah ha usii dayso kubadii
aan halmar aheyn. Insha alaahu si fiican oo wanaagsan
oo soo jiidasho leh quruxdeedan ku dhamaystir mayso
ayay noqon
Malabka iyo xanuunada Dumarka. Mantaga
–Hunqaacada- Inanta Uurka leh iyo xanuunada
kaleba dhakhaatiirta waxay caddeeyeen Malabka Inanta
maalinkasta si joogta ah u qaadato inay door wayn
ka cayaaro caawinta Inanataas cuduradaa ku dhacay
marka si raashiinka oo kale Inanata ha u qaadato Malabka
Saafiga ah, iyada iyo Uurka midka ku jiraba Malabka
wuu caawinayaa.
Mantaga Wallaca. Inay badsato Inanta
cunista Lawska wuxuu joojinayaa Mantaga insha alaahu.
Cudurada
Maqaarka Ku dhaca.
Xasaasiyada, waxaad sameysaa aad
ku dartaa Laba dhibcood oo Casiirka Burtuqaalka ku
dar Kariim-Kareema-kasta oo jirta la mariyo isku qas
kadibna Jirka marso xittaa wajiga wuu daawaynayaa.
Tilmaam kale: waxaad badisaa cunista
Qajaarka –Cucumber- aad buu ufiicanyahay dhankaa.
Dildilaaca waa wayn Jirka iyo Dhaawacyada.
Meesha waxaad ku nadiifisaa Xabad
Toon ah inta uu la egyahay Dhaawaca iyo dildilaaca
kadibna Toontii Biyo yar diiran ku dar kadib ku dhaq
meesha.
Tilmaam kale: Meesha dhaawac ah ama
dildilaaca waxaad marisaa Malab kadibna faashad ku
duub kana fogeey qoqoyaanka seddex maalinkasta badal
faashada illaa uu ka boksado .
Gubashada Maqaarka-qofka Gubtay: waxaad
sameysaa in Malab ah iyo Faasaliin-Baasaliin- mari
meesha gubatay Subixii iyo galabtiiba illaa qolof
ay yeelato meesha gubatay waxay noqonaysaa meel aan
horey u guban oo kale oo jirka intiisa kale ka duwanayn
insha alaahu hadii aad sidaa yeesho.
Tilmaam kale: Xabad Ukun-Bayd- ah
ku dar Qaado Malab ah mari meesha gubatay.
Kasoo baxa- Nabraha yar yar ee jirka
kasoo baxa- waxaad sameysaa aad ku dartaa Laba dhibcood
oo Casiirka Burtuqaalka ku dar Kareem kasta oo jirka
lamarsado si fiicanna iskugu qas kadibna Jirka marso
xittaa wajiga wuu daawaynayaa Jirro kasta oo maqaarka
ku dhaca waad u isticmaaleysaa Labadaan la isku daray
isagaa daawo u ah insha allaahu.
Cudarka maqaarka ku dhaca oo jirka
kalarkiisa midabkiisa tagsiiya oo dhibcooyin yar yar
maqaarka ku sameeya dhibcahaa yaryar ama waa caddaan
ama waa madow.
Waxaad sameysaa hadii yahay kii dhibcihiisa
cadcadaa: Malab iyo Xildiid-xaldiid- isku dar in is
la eg kadibna isku qas mari meesha ay dhibcahaa ku
yaalaa joogteey illaa ay ka bogsadaan uu baaba’o.
Tilmaam kale: Toon tun shiid kadibna
in la eg oo Malab ah ku dar isku qas maalinksata marso.
Xabarshaad-Shanfax- in xoogaa ah Khalka
Tufaax ah ku dar isku qas kadibna mari Habeen kii
meesha u daay 5daqiiqo illaa uu ka qalalo kadibna
Shaash ku dabool illaa subuxii kadibna ka dhaq Illaa
10maalmood sameey markasta markii aad isticmaasho
daawadaa geli Talaagada –firinjeerka- sey u
xumaanin.
Hadii uu yahay dhibcihii madow sidaan
yeel: soo qaad xoogaa Xabaasuud ah ku tun shiid kadibna
ku dar Khal Tufaax ah isku qas meesha dhibcahaa madmadow
ku yaalan mari maalinkii hal mar kadibna shaash ku
dabool subixiina ka dhaq ka.
Cudurka timaha qolof u yeela kadibna
daata-Bidaarta- hadii Alle daawo kuugu daro sidaan
sameey:
Xabaasuud hal Qaado aad ushiid kuna
dar hal koob dhexdhaxaad ah kan Shaah lagu cabo oon
aheen Kan la’eg Fiijaan, koob Khalka Canabka
laga sameeyey ah Qaado yar in la’eg oo Toon
Casiir laga dhigay ah intaa isku dar oo aad isugu
qas kadibna mari meeshaa laakin ka xiir timaha meesha
ku yaala dabool Tuwaal ama shukumaan iyo wixii lamid
ah subuxii illaa galabta u daay kadibna marka Saliida
Xabaasuuda Habeenkii insha alaahu hadii ale timo ugu
tala galay way soo baxayaan.
Cudur kale oo timaha qofka ka daadanayaa
tinkasta jirkiisa ku taala Timaha Sunyaha Shaaribka
garka iyo wixii lamid ah meel sib sib oo kale ayay
noqonaysaa wuxuu sameynaya sidii bidaarta oo kale
aan soo sheeganay soo qaad xoogaa Xabaasuud ah ku
tun shiid kadibna ku dar Khal Tufaax ah isku qas meesha
dhibcahaa madmadow ku yaalaan mari maalinkii hal mar
kadibna shaash ku dabool subixiina ka dhaq.
Cudur kale oo jirka ku dhaca oo Maqaarka
yeesho Qolof, maalin kasta ha marsado Saliida Xabaasuuda
seddex jeer ilaa ay ka baaba’aan.
Qaniinyada Xasharaadka. Waa nadiifisaa
meesha la qaniinay kadibna dhoor gabal oo toon la
tumay ah kadibna 10ml oo Saliid ah 20ml oo Biyo ah
ku dar kadib saar meesha la qaniinay.
Injirta iyo Qandhiciilka-Qandhicil-
Injirta waxay sababtaa dildilaac madaxa salka marka
waxaa daboosha Qolof waxaa kale uu sababaa Timaha
inay isku dhagdhagaan waxaa laga yaabaa qofka inuu
arkin wax Injir ah laakin Qandhicilka ayaa tusinaysa
inay timahaa ay ku jiraan Injir.
Laba tilmaamba waa sameenkartaa tii
kuu fudud : tan ugu horeysa: soo qaad 4Toon kadib
Tun shiid kadibna ku dar oo ku cajiin Khal laga sameeyey
Tufaaxa Quraarad-dhallo- ku shub waxaad dhigtaa Qorraxda
8maalmood kadibna mari Timaha si fiican umari ilaa
salka timaha aad tiraahdo si fiican ayuu ugaarey sidaana
yeel 10 maalmood oo marso qolaftaa iyo Injirtaba iyo
Qindhicilka wuu ka baabi’inayaa timaha insha
alaahu timahana way bixinaysaa dheedheeraynaysaa.
kadib marso Saliid badan timaha sida Saliida Castor
oil ama afcarabiga lagu yiraahdo:Zaytul khuruuc.
Tilmaam kale: Mari Timaha Malab ilaa
asalka hoosta timaha Habeenkii kadibna hadii aad heli
karto ku dabool gabal Shaash xariir ah kadibna subuxii
ku dhaq Biyo diirran samey sidaa illaa 7berri.
Caloosha fariisata. Caloosha fariisato
Ma’aha Cudur madax banaan laakin waxaa sababa
wax soo diriya oo u sabab ah qofka oon raashiinka
si hagaagsan u qaadanin waqti go’an oon laheen,
marna 2 jeer cuno marna 3 jeer iyo wixii lamid ah
oo kadib sababta in caloosha caajista shiidista raashinka
ama xubnaha ay adkaadaan iyo wixii lamid ah marka
qofka hadii cudurkaan ku dhaca wuxuu sameynayaa dhoor
Tilmaam, Tan ugu horreysa: inuu qofka dhaqdhaqaaq
Orod iyo wixii lammid ah uu sameeyo si beerka u nashaad
u noqdo hooshiisa si hagaagsan uguto iwm, teedi kale
qofka inuu ka fogaado Ukunta Shaaha Baradhada Berger
IWM ah oo Raashiinka cul culus ah.
Teedi kale qofka Subixii intuu Quraacan
nus saac ka hor koob Biyo diirran-faldiir- ah ama
mid qabow ah ha cabo markuu seexanaayo nus saac ka
hor koob sidii oo kale ah maalin kastana ha sameeyo
sidaa.
Tilmaam kale: koob Caano ah oo qabow
oo Qaado Malab ah lagu daray subax iyo Habeen ha cabo.
Tilmaam kale: Koob Casiirka Canabka
Caloosha iyo Mindhiciirada ayuu dabciyaa dheebshiidkana
nadiifiyaa Calool fadhina waa ka taKhalusayaa. Canab
aad buu ugu fiicanyahay Caloosha.
Caloosha soconaysa-shubanka- waa sidii
aan sheegnay oo kale Caloosha fariisata marka waxaad
samaynaysaa: soo qaad 3 Tufaax ah goygoy kadibna Litar
Biyo ah ku dhexrid oo dabka saar ilaa Rubac saac oo
kale kadibna 4koob haka cabo maalinkastana sidaa ha
yeelo.
Tilmaam kale Farawle ama Istoroobari-strowberry-
Caleyntii si fican u dhaq kadib ku karkari Biyo litar
oo kale kadibna cab ka hor inta aadan raashiinka cunin
joogtay illaa uu joogsado caloosha socota.
Shubanka caruurta Biyo Litar iyo bar
ah ku kar kari karooratada 1kilo dabka udaay 2saac
oo kale kadibna Milix –cusbo- in yar 3garaam
ku dar, kadibna caruurta hala siyo badalkii Caanaha.
Gaaska-gaastarik- daawadiisa waxa
weeye: miraha Xulbada ku kar kari Biyo kadibna biyaha
ku dar Malab ama (Sokor Nabaat) kadibna ku darso xoogaa
Casiirka Basasha isku walaaq intaa kadibna maalinkasta
hal mar sidaa yeel waa daawada ugu fiican Gaastariika.
Basasha kaligeeda oo Khalka lagu darsado
iyadana waa fiicantahay Gaastariika-Gaaska-.
Tilmaam kale: Qaado Xabaasuud ah cun
kadibna koob Biyo kulul oo lagu daray Malabka laga
sameeyey Qasabka seddex Qaado sidaa maalinkasta sameey
illaa 7cisho Wiik.
Dheebshiika oo xumaada: Sanjabiisha
badso oo raashinka iyo Sharaabka kulul ku darso, teedi
kale waxaad samaysaa Basal jarjar kadibna ku darso
Malab Rooti ku cun hal mar ama laba jeer maalinkii
socod samay ama Orod.
Caruurta calooshooda waxaa ka nadiifiya
waxkasta Karootada Casiir ahaan loo siiyo loo shiido.
Ameebaha-gooryaanka-dosnatariya: markasta
markii aad raashinka cunto xabad Toon ah Cun seddex
jeer illaa Tobon casho maalmood wuu dhimanay bahalkaa
dhibka badan insha alaahu waa inaad joogteyso 10 maalmood
seddex jeerna aad cunto Toontaa.
Tilmaam kale: Xabaasuud iyo Qaado
Toon ah isku dar oo isku walaaq oo Casiir Tamaandho-yaanyo-
oo Diiran –faldiir- ah milix yar-cusbo- ku dar
maalinkasta hasameeyo sidaa illaa laba wiik laba isbuuc
caafimaad ayuu dareemi doonaa qofka Cudarkaa haaya
inshaa allaahu.
Bawaasiirka. Waxaad samaysaa Xulbad
Biyo ku karkari kadibna biyahaa Nus litar half litar
soo qaad waxaad ku dartaa meraha Xulbada lashiiday
Qaado yar kadibna 1daqiiqo saar kadibna kala fariisi
Qaado wayn kacab biyahaa Saacad kasta insha alahu
waad ka caafimaadaysaa uma baahandoontid Markasta
in lagaa daaweeyo ama obareeshan laguugu sameeyo.
Tayfood-Tiifoow-, waxaad samaysaa
soo qaad 6xabo oo Toon ah la googooyey oo lagu daray
koob caano ah lagu daray Qaado Malab ah intuusan seexan
ka hor, sidaa ha yeelo 10maalmood hana marsado Saliida
Toonta dhabarka ha mariyo, subuxiina markuu soo tooso
haku Qiiqsado –isku uumiyo- Toonta inta Biyo
kulul toon ku rido 6daqiiqo sanka haka qaato haku
qiiqsado insha alaahu.
Koleeraha-Daacuunka-: Qaado toon la
shiiday ku dar Malab saafi ah maalinkii seddex jeer
Markii Raashiinka aad cunto kadib, Koleeraha ka hortag
iyo daawo ayuu uyahay.
Dawakhsanaanta- Madaxwareerka- soo
qaad 5xabo oo Toon lagoogooyey dabka saar oo caseey
Saliid Sayd –Saliida saytuunka ku dar, Casiir
oo Tamaandho-Yaanyo- ah ku dar iyo xabad Ukun iyo
in yar Milix-cusbo- ah iyo Xawaashka sida Filfil kamuun
iyo wixii lamid ka ahaa maalinkii seddex jeer samey
oo 3maalmood isku xigta ah insha alaahu maalinta afaraad
ma arkaayo.
Mantaga. Laba tilmaam tan hore: Biyo
haku karkariyo si fiican Qaranfulka-dhagayaraha- Malab
haku daro Koob haka cabo intuusan wax cunin markasta
wuu istaagayaa insha alaahu Mantaga.
Tilmaam kale: Xabaasuuda iyo Qaranful-dhagayare-
ha karkariyo Biyo kadibna hacabo maalinkii seddex
jeer marka seddexad wuu istaagayaa mantaga insha alaahu.
Xanuunada
Beerka:
Asbaabta keenta 1-waa cudur la isku
gudbiyo uu soo Qaado fayraska dhaliya Duqsiga-Taxsiga-Tisxiga-
Raashinka iyo wixii lamid ah uu dhigo kadibna qofkaa
raashiinkaa uu cuno.
2- Wuxuu ku badanyahay meelaha wasakhda
badan iyo guryaha oo Nadaafa la hayn.
3- Waxaa la isku qaadsiiyaa dhanka
Irbadaha iyo wixii lamidka ah.
4- Washmiga Jirka la xarxardho oo
wixii jirka lagu qorqoray aan ka baaba’aynin
marka wuu ka imaadaa maxaa yeelay maadada lagu sameeyo
waxaasa waa (D.D.T) waxay dhibtaa Beerka.
Asbaabta lagu garto xanuunkaa: qofka
qaba Qandha daran iyo Madax wareer daran iyo Caloosha
isku dhex yaacda marna socota marna fariisata marba
si iyo Abateetka oo qofka ka xerma.
Dawaada: Saytuunka mana ahan kaan
naqaano oo macaanka Laakin Waxa weeye Saytuunka kan
kabaxa Shaam iy carbaha oo dhannaan ka ah ee quraanka
lagu sheegay oo laga sameeyo Saliid sayd –Saliid
saytuun- aan naqaano ama Olive oil englishka lagu
yiraahdo Saytuunkaa Qofka ha badsado subixii quraacda
qadada iyo cashada ha badsado daawo ugu fiican waaye
Beerka cuduradiisa.
Tilmaam kale: ha jarjaro-googooyo-
Seddex xabo oo Laymoon ah Biyo kulul haku daro Habeenkii
sidaa haku daayo kadibna subaxii ha cabo daawo weeye
allaah idankii wuu caafimaadayaa.
Tilmaam kale: Malabka Cudurada Beerka
daawo ayuu uyahay hamooganin Malabka.
Gubashada Caloosha: badanaa waxa ugu
wayn oo dhaliya xanuunkaa waa qofka markii uu wax
cunayo Inuu boobsiiyo raashiinka deg deg ku cuno ama
Qofka oo kala fogeeyo cuntada waqtigeeda ama mar mar
qofka wax cuno marna daayo ama cabsida badan iyo naxdinta
qofka qabo.
Waxaayaaba qofka ku dhaca:
1- Dibirsanaan iyo Daac qurun,
2- Xanuun Caloosha iyo Gubasho.
Daawada : koob caano ah oo kulul ku
dar 10dhibcood oo Saliida Xabaasuuda iyo Qaado Malab
ah.
Caruurta iyo xanuunada ku dhaca Caloosha
iyo Jirka.
Hadii aad ku aragto Caruurta, Qandho
badan oo laga yaabo in Ilmihii yaraa Daawo waxba utaraynin
ama sharoobo waxaad samayneysa: Marwaxa ama Mukeef
meel leh aad geyso hadiii kale waa khatar, marka jawiga
qabaw ha ahaado. Xanuunka Caloosha ayuu ka socodaa
sidaa u ogow.
Waxaa lamid ah hadii aad ku aragto
Mantag la socda Shuban ama Raashiin uu san qaadanaynin
waa dhib ka jira caloosha laakin waxaad ogaataa Mantaga
kaligiisa waxba dhib malahan laakin labadii aan soo
sheegnay Qandho iyo Mantaga la socda shubanka iyo
kuwan soo socda:
Ilmaha Oon aad u daran, Kaadida oo
aad u yar intii uu maalinka kaadiyo, Indhihiisa oo
God gal weliba ay soo buurtaan Xididaha Wajiga, Carabka
oo qalala-enjega- iyo Ilin iyo wixii lamid ah aan
laheen intaa hadii aad ku aragto ilmaha waxaad ogaataa
Caloosha inuu ka jiran yahay marka sidii aan horey
usoo sheegnay Ilmaha Daawada ugu wanaagsan aad siiso
waa Karootada inaad Rashiinka ugu darto ama Inaad
shiido oo sidii caanaha oo kale aad usiiso uu booskiisa
Galo .
Tankale Ilmaha yar waligaaga waxaad
ka ilaalisaa hadii hurdada ku yartahay Habeenkii inaad
Kaniin siiso waa khatar ogow waxaad sameysaa hadii
hurdo la’aan ku dhacdo caanaha uu cabo Masaasada
125Ml waxaad ugu dartaa Qaada yar 2.5ml oo Malab ah
wuu ku hurdi doonaa inshaa allaahu.
Abateeka
iyo qofka raashiinka aan qaadanaynin.
Waxaad samaysa intaadan Raashiinka
Cunin Qaado yar xabaasuud ah 2.5ml cun kadibna koob
Biyo ah oo Qabaw ah cab, adaa arki doonaa Raashiinka
sida aad u cuni doontid laakin iska ilaa Daacqurun.
Caatanimada:
Asbaabta keenta
1- qofka oo aad u shaqeeya ama wixii
lamid ah inta uu Dadaal jirkiisa uu bixinaya oo wax
u qalmo oo raashiin ah uu qaadanin.
2- Caloosha oo isku dhexyaacda oo
markaasina Raashinka uu cuno Jirka qaadanaynin.
3- Qofka oo Neerfooska ah oo sababta
badanaa uu raashiinka si fiican u qaadanin.
4- Qofka oo ku dhaca Cudarada qaarkooda
sida Sokorta iyo Kansarka.
5- Qofka oo raashiin ku filan cunin
Abaar iyo Faqri wixii lamid raashiin la’aan.
6- Hido iyo dhaqan, qofka oo reerahooda
Caata caata yihiin.
Daawada: Qofka ha isticmaalo Khalka
Tufaaxa raashiinka haku darsado iyo wixii lagu dari
karo
Tilmaam kale: Qajaarka-Cucumber- iyo
Timir la isku cuno midkooda maya, waa inaad labadooda
isku darto midkooda ha cunin kaligiisa waxaan tilmaamtaan
noo sheegtay Caaisha Alle haka raali noqdo Nabiga
Xaaskisa(scw).
Isku soo duubduub Cudarada ku dhaca
Caloosha waxaa daawa u ah dhamaan waxay doonaan ha
noqdo insha alaahu: Malabka, marka Malabka joogteey
daawada waad haysaa.
Cudurada ku dhaca Afka iyo Ilkaha:
tilmaamta: Inaad Malab iyo Khalka isku darto aad ku
Luqluqato Subaxii iyo Habeenkii ood Malabkii iyo Khalkii
la isku daray Marmariso Ciridka,
Caday isticmaal Malabkana Macjuunka
oo kale u isticmaal waligaaga ilkahaaga maxumaanayaa
Suusna magalaayo insh alaahu, sidoo kale: Ciridka
wax dhib ah kuma imaanayaan insha alahu. Waxaad ogaataa
Macjuunka sida Colgete iyo AQuafresh iyo wixii lamid
ah oo daawooyinka Ilkaha lagu cadaysto ah dhibkooda
waa badan yahay waxa ugu fiican ee macjuun ah waa
Malabka.
Hadii uu ku xanuuno Goos ama Ilig
waxaad ku deg deg taa Biyo kulul inaad ku luqluqato
si wixii galay gooska uu uga baxo kadibna Saliida
Qaranfulka in Cudbi yar –suuf- mariyo Gooska
ama iligii hasaaro insha alaahu si deg deg ah ayuu
uga ba’ayaa xanuunkii.
Digniin waligaaga iska Ilaali hadii
Ilig ama Goos ku Xanuuno inaad Asprin ama Novelgium
iyo wixi lamid ah xanuun jabiyaha ah inaad saarto
Iligii Ama gooskii maxaa yeelay Wuxuu dilayaa Ciridka
iyo ilkaha Waxyaaba haya oo qofka dhib badan u keeni
doonto marka iska ilaali xanuun bi’iyaha…
Tilmaam kale Hadii ku xanuuno Gooskii
ama Iligtii Saar Toon ood Jartay Gooska xanuunaya.
Ciridka oo dhiigaya-dhiig kasocda-
Asbaabka qofka oo jirkiisa ka dhamaada Vitamin C iyo
qofka markuu cadayano oo Burushka ama Cadayga xoog
ugu xoqo Ciridkii marka waxaad sameysaa:
Burtuqaalka-Liinmacaanta- inaad sharaab
ka dhigato wuu istaagi doonaa dhiigaa insha allaah.
Cudurkasta afka iyo carabka waxa keena
waa Bakteeriya marka qofkahaduu sidaan sameeyo
Inuu Toon ama Basal -ii kuu fudud-4daqiiqo
qofka hadii ku hayo Afka oo calaliyo kadibna uu liqo
waxkasta cudur ah goosaha afka carabka wuu tirtirayaa
mustaqbalka jeermiska ku dhalan lahaa.
Kaadida iyo xanuunkeeda markii uu
kaadinayo qofka: Hamariyo qofka Saliida Xabaasuuda
Timaha hoose agteeda intuusan Seexanin hana cabo Biyo
lagu kululeeyey Xabaasuuda oo Malab lagu daray maalinkasta
sidaa hayeelo, intuusan seexaninna.
Kaadida qofka ku ceshanta. Ku karkari
30gram oo Tufaax ah Rubuc litar oo Biyo ah kadibna
dabka u daay 15daqiiqo kadibna biyahaa cab maalinkasta
4ama 6koob.
Kilyaha iyo dhagaxaanta Qofka wuxuu
ku garanayaa in Kilyahay uu dhagax ku jiro in: kaadida
ay casaato-guduudato-, Indhaha hareerahooda buurbuurtaan,
Mararka qaarkood qofka uu Mantago madax wareer iyo
Xumad daran-Qandho- iyo kilyaha hareeraheeda qofka
xanuuna Caloosha xaga hoose xanuunkaa u gudba ilaa
Xubnaha taranka uu gaaro xita laga yaabo mararka qaarkeeda
qofka inuu kaadiyo Kaadi dhiig la socota …
Qofka hasameeyo: habadsado Qajaarka-cucumber-
maadaam uu yahay maado kulul kilyaha iyo dhagaxaanteeda
wuu u fiicanyahay iyo Beerkaba iyo Caloosha hooshooda
si fiican inay gutaan.
Tilmaam kale hasameeyo: Basal ma qolafteeda
ha nadiifiyo kadina dhexdeeda hageliyo Timirta lafteeda
oo aad loo dubay oo la shiiday kadibna hashiilo ha
dubo Basashii ha cuno maalinkasta illaa 10beri, xanuunada
Kilyaha iyo dhagaxa wuu baabi’inayaa insha alaahu.
Tilmaam kale oo dhagaxa ku jira Kilyahay:
koob xabaasuud ah hashiido kadibna haku qaso koob
Malab ah kadibna ha dubo-shiilo- 3xabo oo Toon ah
haku daro Xabaasuudii iyo Malabkii 3meelood ha u qeebiyo
halmeel subixii halna duhurkii hal Habeenkii maalinkasta
ha sameeyo hadii uu heli karo Laymoon maca Qubkeeda
hal xabo ha cuno dhagaxaantii waa baaba’ayaan.
Sifaynta Dhiiga. Dhiiga waxaa sifeeya
Qofka hadii maalinkasta uu cabo 100gram oo Casiirka
Leymoonka ah Dhiiga wuu sifaynayaa insh alaahu ku
dadaalo Lemon-liintadhanaanta waa wayn-ogow ma ma’ahan
liin dhanaanta yar yar aan naQaado iska hubso sidii
aan horey usoo sheegayba.
Qeybta ugu danbeysa
Quruxda
dhabiiciga ah.
Waxaa jirta dhoor cudur oo ku dhaca
Maqaarka qaar kamid ah aan soo sheegnay dib ugu noqo,
markasta aad qubaysanaysid waxaad u isticmaasha Saabuun
ahaan Lemon ka ama Saabuun laga sameeyey ama Shamboo
ama Saliida Timaha marka ku dadaal wax kasta oo jirka
lamariyo inay ahaan Lemon.waxaadna ogaataa Cudurkasta
oo ku dhaca jirka waxaa daawo u ah ugu horreeya Lemon
liimoonka marka isaga weeye daawada Dabiiciga ah.
Waxaa jirta Wajiga Dhibco mad madow
ah kasoo baxa oo waliba si fiican umuuqanayo qofka
markuu Qorraxda ku socdo ama ay qabato muuqanaya,
Waxaad ogaataa inuu jirin Cudurkaas wax baabi’inaya,
laakin waxaad sameysaa markasta aad aragto cudarkaa
wajiga Biyo kulul ku dhaq kadibna Lemonka liimoonka
Casiirkii iyo in la eg Garasiliin ah- glysolid- iyo
Alkool in isla eg isku qas kadibna Habeenka mari markii
aad Biyo kulul ku dhaqdo subuxii Isaga dhaq Biyo kulul
kadibna Cudbi-suuf- soo Qaado oo mar mari wajigii
iyo meeshii kaleba sidaana yeel 7berri Isbuuc.
Tilmaam kale Qiyaarka-Khiyaar- soo
qaad 3xabo googooy kadibna ku qamiiri caano oo isku
daay dhoor saacadood aan la karkarinin kadibna wajiga
ku dhaq waad arki doontaa insha alaahu qurux.
Teedi kale waxaad ogaataa inuusan
jirin Khiyaarka wax u dhigma waxa jirka lagu qurxiya
marka isagoo Casiir la dhigtana wuxuu faaido uleeyahay
Qoka jirkiisa dufanta iyo Dhididka wuu yareenayaa,
wuu yareenayaa si normal ah wuu ka dhigayaa insha
alahu ku dadaal.
Teedi kale Saliidiisa –Khiyaarka-
Faaidooyin badan ayuu uyahay Maqaarka khaasatan: hadii
aad sidaan yeesho oo ah Saliidiisa aad ku darto In
yar faasiliin ah –baasliin- waa daawo aad ka
yaabi doonto markii aad isticmaasho oon laheen wax
kiimiko ah oo jirka dhibaya, marka hadii aad doonayso
inaad jirkaaga uu nuuro qurux sidaan yeel oo iska
daay daawooyinka kiimikada ah oo la isku caddeeyo
oo la ogyahay dhibaatooyinkeeda iyo Khiyaano ay ku
jirto Nimanka la khiyaamaynaayo.
Waxaad sameysaa Qaado yar Casiirka
Lemonka ah ku dar Qaado yar oo Casiirka Khiyaarka
isku dar kadibna wajiga mari oo Rubac saac 15daqiiqo
ah u daay wajiga kadibna ka dhaq wuxuu yareenayaa
dhididka wajiga iyo Dufanka,
Jirka Xasaasiyada. Jirka ama wajiga
waxaa marisaa Casiirka Karootada iyo Qaado Malab cad
ah 10daqiiqo ah u daay kadib ku dhaq Biyo diiran Wajiga
wuu jilcinaya xasaasiyadana yareenayaa.
Jirka Qoyan ama dhidid ama qoyaan
kale: isku dar Tamaandho-yaanyo- Casiirkeeda iyo in
yar oo Casiirka Lemonka mari jirkaaga rubuc saac u
daay kadibna Biyo diiran ku dhaq.
Jirka Qalalan. Isku dar Qaado Malab
iyo Caddaanka Ukunta isku walaaq wajiga mari wuu yareenayaa
wajiga qaleylkiisa iyo jirkaba.
Hal shay ayaan raacinayaa inkastoo
aysan aheen booskeeda laakin : waxaa jirta dhibaatooyin
badan Dumarka uga dhaca Xubinka Taranka qoyaan badan
oo laga yaabo in ninkeeda Ku dhibtooda ama markii
ay da’ badan ay dhasho xubinkii uu kala tago
ballaarto oo laga yaabo ninkeeda iyo iyadaba sidii
hore ay hooshooda aysan u gudan Karin iyo jirrooyinkaleba
marka waxaa fiican waxyaabahaan iyo kuwa kaleba oo
ku dhaca Taranka Dumarka inay sameysa: lafta Canbaha-mango-
Canbalaf marka Laftiisa hasoo Qaado aad ha ushiido
sida daqiiqda oo kale kadidna haku shubto Xubunka
taranka gudihiisa hadii dhibaatooyin jirraan insha
allaahu iyo wixii wakhas ah iyo hadii ballaartay waynaaday
iyo wixii la mid ah insha alaahu wuu hagaajinayaa
Ninkii qabayna Raaxo badan iyo isbedel badan sidii
gabar yar 14jir oo kale ayuu arkayaa marka ha moogaanin
Lafta ku jirta Cabaha-mango-.
Dhoor tilmaamood qofka jirka
Quruxdiisa ilaalinaysa.
Lemon. Liimoonka waxa ugu wanaagsan
ee qofka jirkiisa Nadiifiya ee dabiiciga ah weeye
jirka wax kasta oo wasakh ah iyo dufan ama Dhidid
jirka ka yimaado, Wuxuu hor istaagaa dhibdhibcha jirka
madow, Jirka ayuu qurxiyaa dhamaantii, wuxuu baabi’iyaaa
ilkaha waxkasta oo midab ah fuula sida yellow-huruud
jaalo ilkaha lamariyo Casiirka lemonka kadibna caday
aad ilkaha mariso, jirka mari Casiirka lemon dhoor
daqiiqo udaay kadibna Biyo ku dhaq diiran.
Saliida Saytuunka –saliid sayd-Saafi
ah. Koob Saliida saytuunka oo saafi ah ku Miir Casiirka
xabad Lemonka ah kadibna ku dar Qaado wayn ee glysolid
si fiican isugu qas kadibna mari jirka iyo wajiga
markii aad qubaysato kadib u daay jirka, waxaan kuu
balan qaadayaa inaad arki doonta waxaad la yaabto
oo quruxda jirkaaga ah iyo nadaafadiisaba.
Karootada. Waxa ku jira Karootada
Vitamin A oo ah waxa quudiya maqaarka marka badso
cunistiisa iyo inaad Casiir ka dhigo marna bilaa faa’ido
manoqnaya insha allaahu.
Qaranful-dhagayare- jirka ayuu furfuraa
nadiifiyaa nabyarah jirka kasoo baxo ayuu u fiicanyahay
oo wuxuu dilaa bakteeriyada jirka wuxuu kale u fiicanyahay
xanuunada Ilkaha, Afka wuu carfiyaa.
Qarfaha. Saliida laga sameeyo Qarfaha
jirka ayuu quudiyaa wuxuu daaweeyaa kuleelka iyo shucaaca
Qorraxda Ilkahana wuu adkeeyaa.
Xabaasuuda waxa ay tahay Caafimaad
gooni ah oo aad u tira iyo faa’idooyin badan
Timaha iyo Jirka waxa ay nadiifisaa Jirka badanaa
shaabooyinka iyo saabuunta marka Timaha waa bixisaa
waana adkeysa.
Quruxda Timaha.
Timaha waxaa bixiya oo badiya Saliida
Khuruuc ama-Castor oil- Saliidaa aad u mari Salka
Timaha si fiican umari.
Caano Fadhiga. Timaha Nadiifisaa wayna
bixisaa, marka mari timaha salkooda hoose ka hor intaadan
Ku dhaqin shampoo hadii aad kari kartid markasa oo
kuu suura gasho.
Ukunta Hadii aad Ukunta caddaankeda
aad timaha mariso kadibna aad shampuu ku dhaqdo waxay
timaha u kordhinaysaa Qurux Iftiin adeeg marka sidaa
yeel hadii aad kari kartid.
Khalka. Khalka Tufaaxa laga sameeyey
hadii aad ku darsato Biyaha aad ku qubaysanayso ama
Kan Timaha aad ku dhaqayso Timo adag oo qurux badan
oo qolof iyo Injir laheen ayaa ka heli.
Tinta Jajabaysa iyo Tinta Khafiifka
ah. Waxaad marsataa sidii aan soo sheegnay Saliida
Castor oil afcariga lagu yiraahdo Zaytul Khuruuc.
Timaha Daata. Timaha waxay leeyihiin
Cimri sida uu uleeyahay Qofka cumri, Timaha Cumrigeeda
illaa 1000 maalmood wax ku dhaw weeye intaa hadii
mar la dhaafo timihii way daadanayaa oo kuwa kale
ayaa soo baxayo laakin inta ka hor hadii timaha wax
dhib ah uu ku yimaado adigaa sabab u ah adigoo timaha
ku dadaalin wixii aan soo sheegnay sameynin, teedi
kale waxaad ogaataa Timaha markasta la Dabo la ticdo
si joogta ah adigoo wahsanaya in markasta aad hagaajiso
sida badanaa caruurta la yeelo waxay sababa u tahay
cudarkaa oo timaha ku dhaca, waxaa lamid ah in timaha
xaga danbe la isugu geeyo oo la dhuujiyo-giijiyo-
sida caruurta badanaa hooyooyinkooda ku sameeyaan
marka waxaad ogaataa in waxyaabahan aan soo sheegnay
inay timaha daadanayaan oon jajabayaa marka iska ilaali
caruurtana ka ilaali.
Asbaabta Timaha Daadisa.
Ogow timaha inaad si xun ama jiijiido
inay tahay asbaabta daadisa.
Ogow timaha markii ay qoyan yihiin
ood degdeg sato qalajintooda mashiinka qalajiya-fooneeyo-
aad isticmaasho timaha waa ka taKhallustaa quruxdeeda,
waan daadisaa.
Ogow Naxdinta badan iyo cabsida fikirka
iyo wixii lamid ah inay ka midtahay asbaabta.
Ogow Daawooyinka Kansarka -Alle ayaan
ka magan galnee- inay kamid tahay asbaabta.
Ogow Jirrooyinka sida Kalyo xanuunka
iyo Beer xanuunka inay ka mid tahay asbaabta.
Ogow Dhaawacyada khatarta ah waa wayn
inay timaha daadinayso.
Ha ogaato Inan kasta Kaniinka Celiya
Uurka inay daadinayaan Timaha aad iyo aad Estrogen
maadaama uu ka koobanyahay kaniinkaas.
Ogow Farac inuu yahay cudurkaas oo
qofka inu ka dhaxlo aabayaalkii.
Tilmaamo Daawada Timaha daata.
Timaha mari Basal Casiirkeeda Habeenkii,
subaxiina ku dhaq Biyo kulul joogteey ilaa uu istaago
daadashada tima.
Tilmaam kale: aad u mari Timaha Caanaha
fadhiga ah u daay 15daqiiqo kadibna Biyo kulul hadii
aad kari karto ku dar Ukun caanihii fadhiga intaadan
marinin Timaha.
Tilmaam kale: timaha oo dhan aad u
mari Saliid sayd- Saliida saytuunka- oo yara kulul
dabka lagu kululeeyey kadibna ku shanleey-feedh- Shanlo
ilko waa waayn dhoor jeer, kadibna ku duub timaha
Shukumaan-tuwaal diiran-kulul- Habeenkii oo dhan sidaa
udaay kadibna subuxii ku dhaq Timaha shaambada caruurta.
wuu hor istaagayaa Timaha daadanaya.
Timaha Adag. Badanaa timaha adag waa
dhaxal uu qofka ka dhaxlo awoowashiisa iwm, marka
ay ku dhib tahay inuu qofka shanleyo timihii, marka
waxaa Khalad ah inuu qofkii timaha adkaay uu waxyaabo
timaha jilcinayaa sida Mashiinkii kululaa isticmaalo
IWM marka iska ilaali,waxaad isticmaashaa Saliida
Castor oil Jeel-Gel- waa iska isticmaali kartaa si
aad ushanleeysoiyo wixii kale.
Qolofta iyo Toxobta Timaha
daawadeeda.
Tilmaamta: Biyo yar kulul ku dar Qaado
wayn oo Casiirka Lemon- liimoon- timaha ku dhaq.
Injirta iyo Qindhicilka.
Afar xabo toon ah shiid si fiican
u burburi kadibna ku dar Khalka Tufaaxa Quraarad ku
shub 8 Maalmood dhig qorraxda kadibna timaha mari
10maalmood wuu baxayaa horey aan soo sheegay.
Tilmam kale: Timaha ku dhib-dhibci
xoogaa Khalka Tufaaxa kadibna in yar ka dib Ku dhaq
Shambooga kadibna markale Khalka Tufaaxa u daay nus
saac oo kale kadibna Biyo kulul ku dhaq.
Ilkaha waxaa xoojiya.
Xabad Tufaax ah maalinkasta la cuno
qofka Ilkaha ayey ilaalisaa xittaa Duqnimada Ilkaha
xoojisaa dhaqdhaqaaqa iyo dhiiga meeshaa mara.
Ilkaha waxa cadeeya. Isku dar Sokor
iyo Milix-cusbo- in is la eg oo shiidan qofka inuu
ku cadeysto markasta ilkaha ayuu cadeenayaa.
Waxaa kale Ilkaha cadeeya Cadayga
isagaa ugu wanaagsan wax afka cadeeya oona nadiifiya.
Tilmaam kale Isku dar Khalka iyo Malabka
sida macjuunka oo kale u isticmaal markasta.
Tilmaam kale: Rumaanka qolaftiisa
Ladubo-shiilo- kadibna shiid daqiiqi ka dhig afka
mar mari kadibna Cadeyga-rumiga- mari aad ayuu u cadeenayaa
ilkaha wuun iftiiminayaa.
Afka oo urayaa urta xun. Isku dar
Qaranful-dhagayare- iyo Toon isku shiid kadibna ku
qas ku dar Malab intii aad kari kartid cun maalinkii
iyo Habeenkii markii aad seexanayso.
Tilmaam kale: laba Qaado Malab ah
ku dar Biyo kulul oo dabka saaran walaaq oo Afka fur
u dhig hawada iyo qiiqaas oo qaado, dhoor maalmood
sameyna cuna Kabarta Malabka.
Quruxda Indhaha. Waxaad markasta ku
dadaashaa inaad aad u badsato Karootada waxaa ku jira
Vitamin A oo Indhaha aasaas u ah iyo Malabka dhoor
vitamin ah ku jira labadaa kudadaal.
Cadawga Indhaha waxa ugu horeeya ee
Indhaha Cadawga u ah waa TV teleefashinka, marka waxaan
kuu sheegi doonaa insha alaahu dhibka kaaga imaanaya
waxa kaa fududeeya:
-Markii aad daawanayso TV ga ha ahaado
meesha uu saaran yahay meel ku beegan Indhahaaga oo
ku aadan TV, oon aheen Meel sarreesa ama hooseysa
ama qalooc IWM oo Qoorta-Luqunta- dhabarka xididaha
ku xanuunta.
-Inuu ahaado Fadhigaaga mid toosan
oo raaxo leh adigoo xabad xabad ujiifa ama gees gees
IWM
- wax yaaba ugu wayn ee dadka sameeyaan
qaladka ah waxa weeye in uu damiyo Qofka markii uu
daawanaayo TV ga Nalka-leedhka-, taasi waxay keenaysaa
iney Isha u dhaxeyso marna xoog marna daciif sida
uu yahay kolba TVga waxa ka socda shaashada oo markna
mugdi ah marna Iftiin ah, marka taasi waxay keenaysaa
in Isha ay dhibtooto markaasna madax xanuun IWM, kugu
dhaco marka iska ilaali waligaaga inaad mugdi wax
ku daawato meel iftiin ah la doono TV.
-hadii aad tahay qof Indhihiisa ay
ilmeeyaan iska ilaali Inaad meel mugdi ah waligaaaga
ku jirta xanuunkaas ayey kugu badinaysaa.
Xusuusta : badanaa qofka markuu fakiraayo
wuxuu isticmaalo xusuusta Indhaha ayaa ka mid ah marka
waxaa loo baahan yahay qofka maalinkii oo dhan haduu
fakirayo ama xusuus in uu isha u Raaxeeyo inuu daboolo
isha mar mar ama uu soco socdo in yar ama daaqada
uu eego IWM.
Markii aad wax aqrisanayso waxaad
ku dadaashaa Nalka- anbolka aad isticmaalayso inuu
ahaado 100watt Indhahana haku aadinin waxa aad aqrinayso
ku aadi ku hagaaji, iskana ilaali adigoo xabad xabad
dhulka u yaalo inaad wax aqrisato fadhi, socd iyo
istaag wax dhib ah malahan.
Isha hoosteeda bararka IWM ah iyo
Qofka aragtida gaabiya-Habayniso- Qofka ha sameeyo
Khiyaarka ha jaro laba Waslad Indhaha hasaaro daawo
iyo qurux weeye.
Qeebtaan waxaan kusheegi doonaa inyar
oo kooban ku saabsan Inanata uurka leh.
Inanta waa inay ku dadaasho quruxdeeda
markay uurka leedahay, marka haku dadaasho waxa aan
hoos ku sheegi doono:
1- ilkaheega inta uu yaryahay uurka
waa inaad ilkaha baarto hadii wax ay jiraan maxaa
yeelay hadhaw hadii Uurka uu waynaado waxa ku cuslaanaysa
inay ay daawo haagsan qaadato, teedi kale markasta
oo ay Raashiin cunto waa inay cadayato maalinkii 2jeer
ugu yaraan hadii ay kari karto, Iyo sidii aan soo
sheegnay qeebtii Ilkaha markii aan kasoo hadalnay.
2- Waxaa dhacda badanaa Inanata markii
ay 4bilood tahay in ilkaha ay dhiigaan Cirridkana
uu Casaado-guduuto- illaa ay ka dhasho marka waa inay
ku dadaasho Vitamin C waana soo sheegnay waxa yaaba
Vitamin C laga helo sida Basasha Orange- Burtuqaal-
CanaNaaska ama ha qaadato Kaniinada ka kooban Vitamin
C kaasi dhib malahan.
3- Dhareer badan waxa laga yaabaa
in Inanta markii uu Uurka cusub yahay uu ku bilawdo
dhareer yar xittaa ay dhacdo mararka qaarkooda Dhareer
badan inuu isku badalo oo Inanta ay ku dhibtooto laakin
markii ay seexanayso waxaa laga yaabaa in uu yaraado
Dhareerka.
4- Timaha. Waxaa jirta Inanat in ay
timaheeda ay daataan Qalalaan iwm, marka waxaa dhici
karta inay iska tahay wax iska caadi ah marka ha sameyso
in ay Timaha ku dhaqdo shambooyinka aan soo tilmaamnay
iyo wixii aan soo sheegnay oo Dabiiciga ahaa.
5- Jirka Inanata Uurka leh. Ha mariso
Inanata Jirkeeda Saliida Looska laga sameeyey aad
ayuu jirka u ilaalinayaa oona Quudinayaa.
6- Fadhiga Inanta: waxa uwanaagsan
markasta Inanta Uurka leh inay ka fogeyso Boodyaha
iyo jilbaha caloosha si wax cadaadis ah ugu imaanin
Caloosha hadii ay suuragal tahay in kursi horteeda
la dhigo oo lugaha ay saarato. teedi kale ha iska
ilaaliso inay marka ay fariisanayso Inanata ay lugaha
is dulsaarto markii ay kursi ku fadhido Sida ay sameeyaan
Dadka ahlul Kibirka ah. Inay marka ay seexanayso ama
firaash ay ku seexanayso hurdo iwm ah in Barkin yar
ay dhabarka u dhigta yeysan noqon Barkin wayn oo dhibta
hadhaw markii ay is gedineyso.
Hurdad Inanata Uurka leh. Waxa ugu
wanaagsan Inanata maalinkii Duhurka kadib Inay seexato
2saacadood oo kale Habeenkiina 8saacadood.
Ka fogow waxkasta oo hurda ka nixinaya
iskana Daawey hadii ay jiraan, Cilaajka gaadh.
Markii aad seexanayso dhabar dhabar
ha useexato Barkina hasaarto Lugaha si dhiiga dib
usoo noqdo wax xanuun ah ama dhib kale ah ku imaanin.
Teedi kale Inanta waa useexan kartaa
dhinac dhinac laakin dhabar dhabar ayaa u wanaagsan.
Dhaqdhaqaaqa Inanata waxa ugu wanaagsan
dhaqdhaqaaqa ah: waa inay socoto hadii ay kari karto
ugu yaraan nus saac illaa hal saacadood, ha socoto
Inanata duhuradii hadii ay suura gal tahay hana ka
fogaato meelaha dadka ku badan yihiin iyo hawadeeda
wasakhda sida suuqayada IWM ay tahay, Teedi kale hoosha
guriga ee laga maarmaanka ah taasi waxba dhib malahan.
Qubayska Inanata inay markasta ay
qubaysato waa laga maarmaan waa ilaalin jirkeeda iyo
caafimaadkeedaba illaa ay ka dhalayso waxba dhib malahan
arintaa laakin ha iska ilaaliso inuu Ilmaha uu soo
dhaco markii ay qubaysanayso.
Inanta uurka leh waxaa u wanaagsan
kuqubaysato Biyo kulul iyo saabuun maalinkasta.
Dabaasha dhib malahan laakin gelinka
hore maalinkii ha ahaato, waana dhaqdhaqaaq ay sameyso
tan ugu wanaagsan Inanata Jirka wuu jilcayaa oo caawinayaa
markii ay dhalayso laakin ha iska ilaaliso Inanata
Dabaasha hadii uu waynaado Uurka.
Ha iska ilaaliso inay isticmaasho
wax yaaba baabi’iyo Urta iney ku buufiso Xubinka
Taranka.
Dharka. Inanata ha iska ilaaliso markasta
inay xerato dharka ciriiriga ah, dhar waasac ah ha
noqdo
Yey xeran kabaha iyo kaalsiyaha xeriga
leh ama Jinyeer wuxuu cadaadinayaa dhiiga ha xerato
kabo oo waasac ah oo fudud cusleyn aheyn, dhabarka
ayuu dhibayaa.
Ha iska ilaaliso xariga dhexda lagu
xerto faa’ido la’aan hadii laga maarmaan
ay tahay si dabacsan
Intaan ayaa kusoo gaba gabay naynaa
insha alahu Mawduucii aan ka hadleynay marka waxaan
ka tagay laba mawduuc kale oo aad u dhaa dheer oo
kala ah Dhirta faaidooyinka waa wayn ee ku jira oon
dadka badankii ogeyn iyo Mawduuca ku saabsan Galmada-xiriirka
Raga iyo dumarka- oon is iri badanaa dadka Muhin uma
aha.
Waxaan ka cudur daaranaynaa inaan
waqti badan u helin qorista mawduucaan.
waxaan kaloo ka cadur daaranaynaa
dadka hadii uu afsoomaaliga meelaha qaarkooda uu fahmi
waayo marka qofkii aan garan hasoo waydiiyo
waxaan kale ka cadur daaranaynaa meelaha
qaarkood inaan aad u bal balaarinin anagana waxaan
is niri faaidada uun hala qabsado faahfaahin dhaa
dheer waxba ma ahan.
Waxaan kaloo ka cudurdaaranaynaa inaan
sida Kutubta loo allifo qibrad wayn u laheyn
Waxaan Alle ka rajaynaynaa inuu ka
dhigo mid dadka anfaco oo dartiisa loo sameeyey.
Waxaa mahad leh Alle subxaanahu watacaalaa
Qorey Xasan xuseen
Email:xasan99@hotmail.com
|