Kumaandaha FORMAT

Inta aynaan dhex galin sharraxaadda kumaandaha FORMAT waxa muhiim ah in aan
wax ka ogaanno waxa la yiraahdo (Disk formating).
Disk waxa uu noqon karaa cajaladda yarta ah ee loo isticmaalo kumbiyutarrada
(diskette) ama maskaxda weyn ee wax kaydinta oo ku jirta kumbiyutarka
gudihiisa lana yiraahdo (Hard disk).

Labadaas shay midkoodna lama isticmaali karo hadii aan la qaabaynin
(formating), taas oo micneheedu yahay in lagu isticmaalo kumaandaha FORMAT.
Kumandaha FORMAT.COM ayaa MS-DOS ugu qaybsan hawsha qaabaynta disk-yada.
FORMAT waxa uu disk-ga u diyaariyaa una qaabeeyaa sida ugu haboon ee loo
isticmaali karo.

Qaabayntaas oo uu disk-ga ugu kala qaybiyo waxa loo yaqaanno Tracks iyo
Sectors. Kala qaybintaas ayaana la yiraahdaa Qaabayn (Formating).
Format waxa kale oo uu meelo badan oo ka mid ah disk-ga ku qoraa akhbaar ku
saabsan isticmaalka disk-ga kuwaas oo uu ka mid yahay FAT (File Allocation
Table) oo lagu qoro akhbaar ku saabsan disk-ga meesha ay wax uga qoran
yihiin iyo meesha bannaan, wuxuuna calaamadeeyaa haddii ay jiraan Sector-ro
dhaawacan si aan waxba loogu kaydin marka akhbaar la kaydinaayo.

Format waxaa loo isticmaalaa sidan hoose:

FORMAT A: Enter = Qaabee diskette-ka (cajaladda).
FORMAT C: Enter = Qaabee hard disk-ga. (Digniin: Ha ku degdegin).

FORMAT wuxuu akhbaarta ku jirta diskette-ka ama harddisk-ga la qaabeeyay ku
kaydiyaa fayl la yiraahdo MIRROR.FIL oo uu FORMAT sameeyo.
Faylkaas oo lagu kaydiyo qayb gaar ah oo ka mid ah diskette-ka ama hard
disk-ga la qaabeeyay waxaa loogu tala galay dib u soo celinta akhbaartii
la tirtiray, hadii loo baahdo, iyadoo la isticmaalayo kumaandaha UNFORMAT.EXE
oo aan ku qaadan doono casharadeena dambe ee qeybtaan.

Kumaandaha FORMAT waxa uu wax u qaabayn karaa siyaabo kala duwan. Waxana
ay ku xiran tahay hadba sidaad u amarto iyo xarfaha (parameters) aad raaciso
marka aad qaabaynta amrayso. Waxa aynu halkaan ku soo qaadanaynaa kuwa ugu
muhiimsan xarfahaas inta badanna la isticmaalo.

Tusaale:

FORMAT A: /V:DISK1 /Q /U /F:1.44 /S

Haddaba waxaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa dhammaan xarfaha la
socda tusaalahaan kore annagoo sheegayna waxa uu xaraf kasta u taagan yahay.
Waxaadse ogaataa in xarfaha aan is daba dhignay tusaalahaan aad adigu
marka aad wax qaabaynayso intaad u baahan tahay ka qaadanayso intaad rabtana
ka tagayso oo aysan isku xirnayn.

FORMAT A: /V:DISK1 = Qaabee diskette-ka A: kuna magacaw DISK1.(V=Volume
label). Waxa aad diskette-ka u sii bixin kartaa magac adigoo
adeegsanaya (V:MAGAC). Hadii aadan xarafkaan adeegsan dib ayaa
lagaa waydiinayaa magaca diskette-ka. Magaca diskette-ka ha ku
darin astaamahaan ( ^ & * ( ) + = [ ] / : ; | , . < > iyo ? )

FORMAT A: /Q = Qaabee diskette-ka A: si dhakhso ah. (Q= Quick). Arrintani ma
baarayso in diskette-ku dhaawacan yahay iyo in kale, laakiin
aad bay u dhakhso badan tahay, akhbaarta ku jirta diskett-kana
waa la soo celin karaa hadii la isticmaalo UNFORMAT.

FORMAT A: /U = Qaabee diskette-ka A: shuruudla,aan (U= Unconditionally). Waxa
mararka qaarkood dhacda in FORMAT uu diido in uu qaabeeyo
diskette sababtuna ay tahay in uu diskette-ku dhaawacan yahay
marka hadaad xarafkaan isticmaasho waad ku qasbi kartaa waxana
uu FORMAT samaynayaa qaabayn rasmi ah laakiin lama isticmali
karo UNFORMAT hadii xarafkaan la isticmaalo.

FORMAT A: /F:720 = Qaabee diskette-ka A: oo muggiisu yahay 720 KB(Todoba
boqol iyo labaatan kilo byte). 720 KB = 720 000 oo xaraf.
Arrintaan waxa ay u khaas tahay diskette-yada ka qaadka yar
diskette station-ka lagu qaabaynayo loomana isticmaali karo
hard disk-yada.

Diskette-yada waxa loo kala qaybiyaa 5.25 tum diskette iyo 3.5 tum diskette
(fiiri DISKCOPY oo isla qeybtaan ku jira ). Haddaba haddii aad qaabaynayso
diskette 5.25 tum ama mid 3.5 tum ah waxa uu muggoodu yahay sidan hoose:

+---------------------------------------------------+
¦ 5.25 tum waxay u kala baxaan: ¦
¦ ¦
¦ 160KB, 180KB, 320KB, 360KB,1200KB iyo 1.2MB ¦
+---------------------------------------------------¦
¦ 3.5 tum waxay u kala baxaan: ¦
¦ ¦
¦ 720KB, 1.44MB iyo 2.88MB ¦
+---------------------------------------------------+

FG: Mugga diskette-ka waxa aad u qori kartaa sadex nooc midkood (720),
(720K) ama (720KB). Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in aad xusuusnaato
in aadan ku qaabayn karin diskette ka mugg weyn diskette station-ka aad
isticmaalaysid.

FORMAT A: /S = Qaabee diskette-ka A: kadibna ku koobiyee faylasha kiciya
kumbiyuutarka oo kala ah IO.SYS, MSDOS.SYS iyo COMMAND.COM
taasoo diskette-ka ka dhigaysa Boot diskette ama Start
diskette(waxa lagu shidi karaa kumbiyutarka).

Hadii aad qaabaynayso hard disk lagu isticmaalay kumaandaha DBLSPACE
oo laba jibbaara mugga hard disk-yada, isticmaal DBLSPACE /FORMAT(Fiiri
DBLSPACE oo ku jira qeybta 3aad), taasoo lagu qaabeeyo hard disk-yada
muggooda la laba jibbaaray.

Waxaa kale oo jira kumaandeyaal dhawr ah oo kumaandahaan FORMAT gadaal laga
raaciyo. Kumaandeyaashaas Microsoft wax faahfaahin ama qoraal ah kama aysan
bixin ee way ka aamustay. Kumaandeyaal badan oo ay sidaas oo kale Microsoft
uga gaabsatay baa program-ka MSDOS ku jira waxaana lagu magacaabaa
Undocumented Commands.

Kumaandeyaasha noocaas ah ee uu leeyahay FORMAT waxaa ka mid ah:

FORMAT /AUTOTEST = Marka FORMAT la raaciyo kumaandahaan wuxuu marka hore
fiirinayaa inuu disk-gu qaabaysan yahay iyo in kale. Haddii uusan
disk-gu qaabaysnayna wuu qaabaynayaa. /AUTOTEST kuma waydiinayo
wax su,aalo ah iyo inaad magac u bixiso disk-ga la qaabeeyay midna.
/AUTOTEST waa lala isticmaali karaa xarfaha /U iyo /S laakiin lalama
isticmaali karo /Q.

Waxaa mararka qaarkood dhacda in si aan ula kac ahayn loo qaabeeyo C: oo ay
halkaas ku lunto akhbaar muhiim ah. Inkastoo uu jiro UNFORMAT oo loo
isticmaalo dib u soo celinta akhbaartii ku luntay qaabeynta haddana lama hubo
in akhbaartii luntay oo dhan la soo celinayo.

Sidaas darteed si aad uga fogaato inaad ogaan la'aan u qaabayso C: waxaad
magaca ka bedeshaa FORMAT.COM adigoo isticmaalaya kummaandaha RENAME,
waxaadna u bixisaa tusaale ahaan HIDENFRMT.COM.

Intaas ka dib waxaad sameysataa BATCH FILE aad u isticmaasho qaabeynta
diskette-yada oo kaliya. Fiiri BATCH oo ku jira qeybta 4aad haddii aad rabto
inaad Batch files-ka wax ka ogaato.
Batch file-ka magaciisa waxaad u bixineysaa FORMAT.BAT si markii Format la
amro uu u hawl galo. Waxaadna batch file-ka ku qoraysaa sadaradaan hoose.

IF(%1) == (A:) GOTO A
IF(%1) == (B:) GOTO B
ECHO Waxaad kaliya oo qaabeyn kartaa A: iyo B:
GOTO END
:A HIDENFRMT A: /F:1.44M
GOTO END
:B HIDENFRMT B: /F:720K
GOTO END
:END

Faylka Format.bat iyo feylal kale oo tusaale u ah batch files-ka waxaad ka
helaysaa galka C:\ISBARDOS\BATCH

Haddana waa qaybtaadii iyo layliskii. Waxaad qaabaynaysaa diskette 1.44MB ah
adiga oo u qaabaynaya si shuruud la,aan ah. Kadib qaabee diskette kale oo
1.44 MB ah waxaadna u qaabaynaysaa si loogu shidi karo kumbiyutarka waxaadna
ku samaynaysaa qodobka dambe muddo hal daqiiqo ah, diskette-ka magaciisa sii
sheeg una bixi SYSDISK. Hadaad heli kartid qaabee diskette 720KB ah.
Markaad bogato qor EXIT oo taabo ENTERMicrosoft(R) Windows DOS
(C)Copyright Microsoft Corp 1990-2001.

Wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Webmasterka

Riix Halkaan

Ku Noqo Bogga Hore